“Xildhibaankii iigu CODAYNAYA lacagta shacabka oo aan u XADO ha haysto codkiisa!”

0

(Garoowe) 12 Luulyo 2020 – Waxaa geeriyoodey siyaasigii Maxamed Cabdi Xashi oo ka mid ah asaasayiishii dhidibada u taagey Maamul-goboleedka Buntland ee Soomaaliyeed.

Wuxuu siyaasi Xaashi ahaa qaar fara ku tiris ahaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee ilaa xad iska ilaaliya musuqa, sida uu Hadalsame u sheegay qof aqoon dhow u lahaa xiriir sokena la lahaa.

Siyaasiga Xaashi ayaa mar laga qoray hadal caan baxay jeer uu u taagnaa doorasho ay xildhibaannadu codaynayaan, isagoo muujiyey in aanu diyaar u ahayn inuu iibsado codadkooda.

“Xildhibaankii iigu codeynaya lacagta shacabka oo aan u xado ha haysto codkiisa!” ayaa laga soo koobiyey Xaashi.

Wuxuu ahaa ninka qura ee Madaxwayne iyo ku xigeenba ka noqday Maamulka Puntland ilaa maantadan la joogo ilaa 1998-kii oo maamulkaa la dhisay.

Maamulka Puntland ayaa hoos u dhigay calanka maamulkaasi iyo midka Somalia, si ay ugu maamuusaan geerida siyaasigaasi.

Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Cabdi Xaashi oo xalay ku geeriyoodey dalka Kenya. Aamiin.

Hadalsame Media