(Dhuusamareeb) 11 Luulyo 2020 – Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Dhuusamareeb ka bilaabanayo shirka Maamullada, kaasoo shalay sabab aan la sharrixin dib ugu dhacay.
Wararka dhanka Muqdisho naga soo gaaraya ayaa sheegaya inay dhici karto inay shirka ku biiraan madaxda sare ee Xukuumadda Somalia.
Waxaan xogta ku heleynaa inuu halkaa berri u dhoofi karo RW Xasan Cali Khayrre oo ku biiraya shirka Dhuusamareeb, waxaana xigi doona MW Maxamed Farmaajo oo maalin ama 2 kaddib isna halkaa iska xaadirin doona.
SALKA SHAXDAN? Waxaa lagu warramayaa inay shaxdani tahay mid soo booddo ah oo ka dhalatay is cirbinta dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo ay XF rigoore qalqaalis ah ka dhalisay maamullada.
Waxaa kale oo jirta xog kale oo sheegaysa inay arrintani sii qorshaysnayd, waayo QM iyo Maraykanka ayaa si wayn shirka uga taageeraya dhanka saanadda iyo gaadiidka cirka, halka ay XF bixinayso kharashaadka ku baxaya howl-maalmeedyada.
Maraykanka iyo QM ayaa la sheegayaa inay doonayaan in waxaba halkan lagu dhameeyo oo aan loo kala kicin shirka Dhuusamareeb, maadaama ay waqti badan cunayso in kulamo kale la madlo.
XEER RAJAB – Waxaa lagu wadaa in meel dhexe la iskugu yimaado oo la galo doorasho dadban oo woxoogaa middii hore ka yara ballaaran, isla markaana aanu dhicin muddo kororsi toos ah, marka laga reebo wixii farsamo ah oo ay dantu khasab ka dhigto. 4.5 barxan ayaa isna sii shaqayn kara ugu yaraan xilli doorashadan.
Hadalsame Media