(Arizona) 11 Luulyo 2020 – Wuxuu dab ka kacay gurigooda. Rachel Long oo ahayd hooyo 30-jir ah oo halka gubatey kula noolayd ayaa sameeysay arrin naf hurnimo ah. Gurigii oo uu dabku ka saa’id caleeyey ayay ku guulaysatey inay soo tuurto wiilkeeda, Jameson, oo 3 jir ah oo ay hoos ku sugayeen laba qof oo deris la ahaa.
Yeelkeede, halkii ay ka daba boodi lahayd waxay iyadoo holceeysa u laabatay gabadheeda yar ee Roxanne, nasiib xumo sooma noqonin. Waxaa nasiib wanaag gabadha markaa badbaadiyey nin jidka marayey oo dhanka kale ka bixiyey.
Corey, oo ahaa ninka qabey ayaan xilligaa guriga joogin, waxaana la sheegayaa in ay ilmuhu haatan isbitaal yaallaan, iyadoo ay gabadha yari u baahan tahay 8 qalliin.
Dadka ayaa bilaabay inay gurmad ugu sameeyaan qaab online ah, iyagoo doonaya inay u ururiyaan lacag uu qalliinnadaa ku bixiyo aabbaha carruurta badbaaddey.
WATCH: When a 3-year-old boy was dropped from the third story of a burning building in Arizona, a former football player dove to catch him. That man was Phillip Blanks, a retired U.S. Marine, who saved the boy just before he hit the ground. pic.twitter.com/Hnq51iNu0E
— CBS News (@CBSNews) July 9, 2020

Hadalsame Media