(Istanbul) 10 Luulyo 2020 – Maxkamadda Maamulka ee Turkey ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadday wareegto ay xukuumaddii cilmaaniga ahayd soo saartay 1934-kii, taasoo masjidka Hagia Sophia matxaf u rogtey, waxaana iminka dib loogu celinayaa inay markale noqoto masaajid.
Hagia Sophia, oo ka mid ah goobo dhaqameedyada soo jireenka ah ee caalamka ugu caansan ayaa waxaa qarnigii 6-aad taagey boqortooyadii Masiixiga ahayd ee Byzantine Empire iyadoo fadhi u ahayd kaniisadda Masiixiga asal raaca ah ee Greek Orthodox Church.
Waxaana masjid u rogey Cusmaaniyiinta oo qabsaday Istanbul sanaddii 1453-kii. Waxaaba jirtey dood dadwayne oo lagu dalbanayey in meeshaasi dib looga dhigo goob ay Muslimiintu ku cibaadaystaan.
Waxaana dood ka keenay cilmaaniyiinta Turkiga iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ruushka, Giriigga iwm, taasoo uu iska diidey MW Erdogan oo arrintan ku tilmaamay mid maxalli ah oo aanu boos uga bannaanayn dal shisheeye.
BREAKING — Turkish court rules in favour of converting Hagia Sophia into a mosque pic.twitter.com/ZdnypOcHB7
— Ragıp Soylu (@ragipsoylu) July 10, 2020
Hadalsame Media