Japan oo farsamaynaya dayuurad jiilka 6-aad ah oo aanu raadaarku rajo ka qabin (Muuqaallada cajiibka ah ee ay leedahay)

0

(Tokyo) 10 Luulyo 2020 – Japan ayaa qorsheeynaya inuu dhisto dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee misna raadaarka ka dhuunta kuwa ugu casrisan, taasoo lagu sheegay mid laba-matoorreey ah oo sare u dhigi doonta daafaca cirka ee dalkaasi 10-ka sanadood ee soo aaddan.

Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi ayaa todobaadkii tegey u sheegtay Diet, oo ah baarlamanka dalkaasi, in dayuuradahan oo ah jiilka 6-aad soo saaristooda la bilaabayo sanadka 2031-ka, si ay u nasiyaan raxanta sii gaboobaysa ee 100 F-2 jets, oo ah hal matoorreey jiilka 4-aad ah oo naqshaddeeda laga qalin daartay kuwa Maraykanka ee F-16-ka, sida uu sheegay hilinka NHK News.

Miisaaniyaddii sanadkan 2020 ayaa mashruucan u qoondeeyey $261 milyan oo doollar (28 bilyan yen) waxaana lacagtan lagu bixinayaa barnaamijka loo yaqaan F-X, waxaana ku jira lacago lagu sameeynayo daroonno la howlgala dayuuradahan raadaarka ka dhuunta, waana tiknolojiyad sidoo kale laga hirgelinayo dalalka Australia iyo Maraykanka.

MUUQAALLADA AY LEEDAHAY – Dayuuraddan ayaa leh awoodo ay ka mid yihiin inay mar qura dhowr bartilmaameed duqayn karto, gaar ahaan muuqaalka loo yaqaanno fire control or network shooting;

Waxaa u qarsan gantaalaha ay siddo si aanu raadaarku u arkin, si la mid ah kuwa Maraykanka ee F-22. Raptors;

Waxay kaloo leedahay qaab ay holaca ay gadaal kasii daynayso ay ugu adeegsan karto qaab weecad ligan oo aan la saadaalin karin, sida UFO-da.

Dayuurad samaysiga Japan ayaa imanaysa heer ay Wasaarad Dibadeedka Maraykanku fasaxday in laga iibiyo 100 xabbo ka badan oo ah US F-35, kuwaasoo kala 63 F-35A ah iyo 42 xabbo oo F-35B ah.

Japan oo awood hore ahaa ayaa wixii dagaalkii 2-aad ka dambeeyey dal nabadeed ahaa ayaa sanadihii dambe awooddiisa xoojinayey, ayaa F-2, samaystay 1995, waxaana wehlinayey F-15J, iyadoo ay gobolka kasoo bexeen quwado uu qaarkood horay dhib ugu gaystey, sida Shiinaha oo haatan samaystay dayuuradda raadaarka ka dhuumata ee J-20.

 Laba dayuuradood oo F-2 ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Japan (JASDF)

Hadalsame Media