DHEGEYSO: Waa kuwee gobollada Sweden ee loo furay Norway? (Waa maxay shuruuddu?)

0
aerial photos unrestricted

(Oslo) 10 Luulyo 2020 – Dowladda Norway ayaa maanta xog cusub kasoo saartay xadidaadaha safarrada dibedda, gaar ahaan kuwa ku jira mandiqadda Schengen Zone ee qaaradda Yurub.

Yeelkeede, dalka Sweden ayaa weli ugu jira liiska cas ee lama galaanka ah marka laga reebo 3 gobol oo kala ah Blekinge, Kronoberg iyo Skåne oo uu aad u hooseeyo heerkooda faafitaanka cudurka karoonuhu.

Gobolladan la ogolaaday ee gaarka u calaamaysan ayaa safri kara wixii loo gaaro 15-ka bisha Luulyo, waase inuu qofku halkaa ku nool yahay.

Norway ayaa Gobolka Värmland oo iyaga xad la leh ku daray gobollada uu ku badan yahay caabuq-sidaha karoonuhu, sidaa darteed waxay ku jiraan kuwa aan loo ogolayn in looga soo safro Norway ama ay iyagu u safraan, sida ay sheegayso idaacadda PF Värmland.

Hadalsame Media