Kulan hadda usoo dhamaaday RW Khayrre & Midowga Yurub (Wixii laga wada hadlay)

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2020 – Waxaa goor dhow soo afjarmay kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray RW Xasan Cali Khayrre iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Somalia, Nicolas Berlanga.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa llagu sheegay in laga wada hadlay arrimo xasaasi ah oo iminka taagan sida doorashooyinka heer qaran ee 2021-ka.

”Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Hassan Ali Khaire ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska.

”Kulanka ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta.” ayaa la daba dhigay, iyadoo aan la bixinin faahfaahin intaa dhaafsiisan.

Maamullada qaar diiddan moodalka doorasho ee haatan lasoo bandhigay, iyadoo ay sidoo kale xisbiyada qaarkood saluugsan yihiin arrimo badan oo ay ka mid yihiin qabashada doorashada iyo qaab raaceeda.

Hadalsame Media