SAWIRRO: Shuruudo cusub oo laga doonayo qofkii ku duulaya Qatar Airways (Maxaa ka mid ah?)

0

(Dooxa) 03 Juun 2020 – Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday inay rakaabku xiran doonaan maasgarayaasha qalliinka ee wejiga inta uu socdo duullimaadka oo idil, iyadoo dadka la siin doono marka ay check-in samaynayaan ama xilliga fuulitaanka dayuuradda.

Maasgarahan oo wejiga dhan daboolaya ayaa laba cabbir ah; mid waawayn iyo mid yar yar oo carruurta loogu tala galay marka laga reebo ilmaha 2-jirka ka yar, iyadoo waalidiinta la farayo inay ilmohooda u sheegaan inay xirnaadaan maasgaraha PPE duullimaadka oo dhan.

WAXYAABAHA LAGU SIINAYO – Qatar Airways waxay rakaabka oo idil u qaybinaysaa agab uu isku ilaalinayo sida maasgare, gacmo gashi aan bootar (powder) lahayn iyo jeel aalkolo ka samaysan.

Dadka saaran qaybta business class waxaa la siinayaa weel yar oo qaada jeel 75 ml ah, waxaa sidoo kale agab dhowraarin ah la siinayaa shaqaalaha dayuuradda sida soortooyinka.

Xoghayaha Guud ee Qatar Airways Group, Mr Akbar Al Baker, ayaa sheegay in ‘sida uu u bilowday Covid-19 ay diiradda 1-aad saarayeen ilaalinta amaanka rakaabkooda.’

Hadalsame Media