”Waxaa iman doonta mar aannu ku khasbanaan doonno inaan tillaabo qaadno!” – Masar oo si cad ugu hanjabtey Itoobiya & Addis Ababa oo kuba dhawaaqday xilliga….

0

(Qaahira) 23 Juun 2020 – Masar ayaa si aan “caad saarrayn” u caddaysay moowqifkeeda, haddii aanu QM ka imanin qaraar lagu xallinayo ismari waaga Biyo-xireenka Ethiopia ee Renaissance Dam, sida uu ka digey Wasiir Dibadeedka dalkaasi.

Sameh Shoukry ayaa u sheegay Associated Press in “Golaha Amaanka lagaga fadhiyo inuu ka hadlo halistan ku gadaaman amaanka caalamka, kaasoo ka dhashay tillaabada ay gaarka u qaadayso Itoobiya ee halista ah,” sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in haddii ay Itoobiya biyo xireenka buuxiso ay taasi ka hor imanayso heshiiskii  2015-kii, isla markaana ay Masar ka hor istaagayso inay kasoo qayb gasho “wada xaajood dambe”.

Shoukry ayaa sheegay in ay xitaa dadka Masaarida ah ka dhaadhiciyeen inay aqbalaan inay Itoobiya xaq u leedahay inay biyo xireen dhisato si ay horumar u gaarto, balse ”haddii ay QM ku fashilanto inay Itoobiya kusoo celiso miiska wada xaajoodka oo ay buuxinty bilaabato uu “iman doono waqti ay ku khasbanaan doonaan inay caddaystaan tillaabada ay tahay inay qaadaan,” ayuu ku falax gooddiyey.

Jimcihii, Wasiir Dibadeedka Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa isna isla AP u sheegay inay buuxinta kaydka bilaabayaan “xilli roobaadka oo bilaabmaya Luulyo”, isaga oo Masar ku eedeeyey inay isku dayeeyso “yeerinta qorshayaasha horumar ee webiyo ay Itoobiya leedahay,” sida uu yiri.

Masar oo aad ugu tiirsan webiga Niil ayaa ka cabsanaysa in ay yaraadaan biyaha ay hesho haddii ay Itoobiya buuxiso kayd biyoodka biya-xireenka.

Hadalsame Media