DAAWO: ”Gabadhayda inta la kufsaday ayaa misna la isku dayey in ilmaha laga soo tuuro” – Oday danyar ah oo kashifay ceeb ka dhacday Xarunta Agoonta Hargaysa

0
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

(Hargaysa) 21 Juun 2020 – Aabbe danyar ah ayaa sheegay in gabar yar oo uu geeyey Xarunta Agoomaha Hargaysa halkaa loogu gaystey tacaddiyo jinsi ah sida kufsi.

Aabbaha ayaa Maamulka Xarunta ku eedeeyey inay ”isku dayeen inay kiiskan qariyaan, iyaga oo doonayey inay ilmaha kasoo ridaan, deetana uu dhakhtarku ka diidey”, sida uu sheegay.

Xarunt Agoomaha Hargaysa ayaa waxaa gacanta ku haysa oo maamusha Somaliland, waxaana ku xareeysan carruur fara badan oo iskugu jirta agoon iyo kuwo danyar ah.

Waxaa la sheegayaa in gabadha yar ee kufsiga loo gaystey ay da’ ahaan aad u yar tahay oo ay jirto 13-sanadood, iyadoo uu dhalay Aabe Xariir Raage oo laftiisu ah mid aan si wanaagsan indhaha wax uga arag oo iska axwaalaysan.

Aabbe Xariir ayaa sheegay in gabadhiisa oo ay kufsadeen rag fara badan uu ka war helay xilli dambe oo uu uurkeedu 5 bilood ahaa, balse markaa lafteedu aanu kaalmo ka helin Maamulka Xarunta oo ku ”ciqaabay” in aanu gabadhiisa dib u arkin oo iyada iyo mid kale oo dhibkan oo kale loo gaystey loo gudbiyey xarun kale oo aan ahayn kuwa agoomaha.

Caasha Qaalib oo ah Agaasimaha Xarunta oo uu arrintan waydiiyey Horncable TV, ayaa ku af gobaadsatay inay ”arrintani hor taallo dembi-baarista oo aanay doonayn inay iminka ka hadasho.”

Hadalsame Media