
(Galwan) Valley) 16 Juun 2020 – Hindiya ayaa markii hore sheegatay inay ka dhinteen 3 askari kaddib dagaal kulul oo buuraleeyda Kashmiir ku dhexmaray Hindiya iyo Shiinaha.
Yeelkeede, waxaa haatan soo baxaysa in askarta Hindiya ka dhimatay ay gaarayaan 20 askari, iyada oo uu dagaalku soconayey muddo dhowr saacadood ah. Shiinaha ayaa iyagana jug xumi gaartey, waloow aan la helin lambarka saxda ah ee ka dhintay.
Si kastaba, labada dhinac ayaa isku deyaya inay xaaladda xiisad tiraan, iyada oo ay New Delhi ku kulmeen Wasiirka Gaashaandhigga Rajnath Singh iyo midka Arrimaha Dibedda Subrahmanyam Jaishankar, iyada oo uu Shiinuhu dafiray inuu isagu eed ku leeyahay wixii ka dhacay Dooxaha Galwan.
Danjiraha Hindiya ee Shiinaha, Vikram Misri, ayaa la hadlay Wasiir Kigeenka Dibedda Shiinaha, Luo Zhaohui, waxayna labada dal sidoo kale yeesheen kulan heer sare ah, si xaaladda loo qaboojiyo.
And exposed to sub-zero temperatures in the high altitude terrain have succumbed to their injuries, taking the total that were killed in action to 20. Indian Army is firmly committed to protect the territorial integrity and sovereignty of the nation: Indian Army (2/2) https://t.co/5duc0Jlfwb
— ANI (@ANI) June 16, 2020
17 more #Indian troops have succumbed to their injuries, taking the number to 20, says the Indian #Army#IndiaChinaFaceOff #IndiaChinaBorder #India #China pic.twitter.com/emC822Nc9z
— CNBC-TV18 (@CNBCTV18Live) June 16, 2020
17 more #Indian troops have succumbed to their injuries, taking the number to 20, says the Indian #Army#IndiaChinaFaceOff #IndiaChinaBorder #India #China pic.twitter.com/emC822Nc9z
— CNBC-TV18 (@CNBCTV18Live) June 16, 2020
Hadalsame Media