(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Waxaa iminka magaalada Jabuuti ka degey wefdigii uu hoggaaminayey MW Somalia ee ka koobnaa RW Khayrre, GB Mursal iyo xunbo kale oo sare.
Wefdigan ayaa halkaa u tegey kulan ay ku wada hadlayaan DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, kaasoo aan qabsoomin muddo 4 sanadood ah.
Dhanka kale, Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweysey kulankan ballaaran ee aadka loogu dheg taagayo.
“Waxaannu amaanaynaa hoggaanka ay muujiyeen MW Farmaajo iyo MW Muuse Biixi. Waxaan u mahad celinaynaa MW Geelle oo martigelinaya kulankan taariikhiga ah si la iskaga kaashado wixii u roon dadka Soomaaliyeed. Waxaan boorrinaynaa in Soomaalida oo dhami ka qayb gasho geeddi socodkan.” Ayuu u qornaa warku.
Hadalsame Media