SSC NAPOLI VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Napoli) 13 Juun 2020 – Waxaa caawa la ciyaarayaa kulanka 2-aad ee nus-dhamaadka lugta 2-aad ee Coppa Italia, kaasoo ay dhamaadka taagan tahay Juventus oo xalay nidaamka goolasha ku reebtay Milan oo ay 1-1 iyo 0-0 ku kala bexeen, kulan ay daawanayeen 8 milyan oo Talyaani ah.

Inter Milan iyo Napoli, ayaa caawa ku ballansan garoonka San Paolo, saacadda Talyaanigu marka ay tahay 21:00, iyada oo ay lugtii hore 0-1 kusoo adkaatay kooxda martida loo yahay ee Napoli.

NapoliDhanka Napoli: Napoli oo ciyaaraysa shaxda uu ku dhaarto macallin Gattuso ee 4-3-3 ayaa waxay dhexda ku xoojinaysaa laacibiinta Demme, Zielinski iyo Fabian Ruiz. Weerarkuna waa seddexleeyda Insigne, Mertens iyo Callejon.

InterDhanka Inter: Waxay dheelaysaa shaxda Conte ku caana maalo ee 3-5-2 oo uu woxoogaa u macmilay qaabka 3-4-1-2 si looga faa’iideeysto baxaalliga ciyaareed ee Eriksen, isagoo daafaca ku halleeynaya Skriniar, De Vrij iyo Bastoni. Weerarku waa Lukaku iyo Martinez oo uu caawinayo Eriksen oo taagan lambarka buuxa.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 25 OSPINA
  • 27 KARNEZIS
  • 23 HYSAJ
  • 26 KOULIBALY
  • 31 GHOULAM
  • 5 ALLAN
  • 68 LOBOTKA
  • 12 ELMAS
  • 13 LUPERTO
  • 11 LOZANO
  • 21 POLITANO
  • 99 MILIK
  • 27 PADELLI
  • 46 BERNI
  • 13 RANOCCHIA
  • 31 BIRAGHI
  • 18 ASAMOAH
  • 5 GAGLIARDINI
  • 20 BORJA VALERO
  • 7 SANCHEZ
  • 30 ESPOSITO
AAN LA HELI KARIN

  • Malcuit
  • Younes
  • Llorente
  • Manolas
  • Godin
  • Vecino
  • D’Ambrosio
GANAAXAN

Hadalsame Media