(Dooxa) 10 Juun 2020 – Koontooyin Sucuudigu leeyahay oo dhanka Twitter-ka ah ayaa weerarro sumcad dilis ah ku qaaday laba gabdhood oo ka shaqeeya Al Jazeera, kuwaasoo kala ah Ola Fares iyo Ghada Oueiss.
Marc Owen Jones, oo ah falanqeeye dhanka baraha bulshada ah iyo barofaysar wax ka dhiga Culuunta Bariga Dhexe ee Jaamacadda Hamad bin Khalifa University ee Dooxa, ayaa daboolka ka qaaday in tirada weerarkani gaartey 25,000 tweet, retweet iyo jawaabo ka dhan ah gabdhahan muddo 24 saacadood gudohood ah.
Jones ayaa sheegay in hablahan loo bartilmaameedsaday iyaga oo haween ah iyo iyaga (Ouweiss iyo Fares) aad u daba gala kiiskii khaarajiska ahaa ee Jamaal Khashuuqji, iyadoo ay gabadhii u doonnayd ee Hatice Gengiz ka mid tahay dadka usoo hiilliyey labada gabdhood.
Gabadha Oueiss ayay ku ceebeeyeen inay daroogo qaadato, halka Al Fares sawirkeeda la faafiyey iyada oo Jacuzzi ku qubaysanaysa, waloow aysan wax gaar ihi ka muuqan.
Agnes Callamard, oo ah warbixiyaha gaarka ah ee QM, ayaa Twitter ugu baaqday inay tillaabo ka qaaddo koontooyinkan been abuurka ah ee u gefaya gabdhahan weriyeyaasha ah, taasoo ay Al Fares lafteedu ku baaqday.
Bishii Abriil, Twitter ayaa tiray kumannaan koonto oo loo adeegsanayey inay dacaayado ka dhan ah Turkiga iyo Qadar u faafiyaan Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar.
I m standing with @OlaAlfares and @ghadaoueiss https://t.co/OP7tUHH3bO
— Hatice Cengiz / خديجة (@mercan_resifi) June 10, 2020
لماذا يا ادارة تويتر تقفلون حسابات نشطاء محترمين وعلى الجانب الآخر تتغافلون عن خوض بعض المغردين في الأعراض وقذف الرموز والشخصيات العامة ، ونشر الدعايات والحملات المغرضة والشائعات والكذب والتلفيق لماذا لا يوجد اي تحرك تجاه أي من هذه الانتهاكات ؟ @TwitterMENA
أعطونا جواب!!— علا الفارس (@OlaAlfares) June 9, 2020
online harassment campaign should not be tolerated by the platforms. #Twitter Standing with women journalists @ghadaoueiss and @olaAlfares https://t.co/pesuNFbLNz
— Agnes Callamard (@AgnesCallamard) June 10, 2020
[Thread]1/ I see a lot of disgusting things online, but tonight the level of high level misogyny on ‘Gulf Twitter’ is astounding. There is a systemic campaign to smear two women journalists @OlaAlfares and @ghadaoueiss, who work for Al Jazeera. The campaign involves thousands pic.twitter.com/F1goEDtrsT
— Marc Owen Jones (@marcowenjones) June 9, 2020


Hadalsame Media