(Houston, TX) 09 Juun 2020 – George Floyd ayaa lagu aasay magaalada Houston ee caasimadda Texas oo ah halkii uu ku barbaaray, waloow uu ku dhashay magaalada Fayetteville, ee gobolka North Carolina, Oktoobar 14, 1973-kii.
Geerida Floyd oo dhacday 2 todobaad kahor ayaa dunida ka dhalisay dibedbaxyo caalami ah iyo dood ku aaddan arxan darrada iyo dhaqanka gaarka ah ee ay hay’aadka amaanku kula macaamilaan dadka madow, iyada oo askarigii jilibka ku diley damaanaddiisa laga dhigay $1.25milyan oo doollar.
Reverend Al Sharpton ayaa dadkii duugta kasoo qayb galay u sheegay in marka la aaso maydka George Floyd kaddib ay tegayaan Minneapolis oo ah halka lagu diley halkaasoo maxkamad lagu saarayo midka diley iyo kuwa ku daawaday.
Wuxuu sheegay inay caqabad yihiin Iskaashatooyinka Booliiska u dooda, balse ay dhanka kale joogaan dad wanaagsan oo doonaya inay ”cadaaladi hirgasho”.
Musharraxa MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa farriin duuban uga qayb qaatay duugta Floyd.
Waxaa iminka Floyd la keenay qubuuro ku yaalla bannaanka Houston, halkaa oo ay hooyadii horay ugu aasnayd oo lagu dhinac aasayo.
A recorded message from Democratic presidential candidate Joe Biden is played at George Floyd’s Houston funeral pic.twitter.com/aTUgL96VPs
— Bloomberg QuickTake (@QuickTake) June 9, 2020
Rep. Sheila Jackson Lee speaks at George Floyd’s funeral service: “There will be no more 8 minutes and 46 seconds of police brutality” pic.twitter.com/ibZOfciigj
— Bloomberg QuickTake (@QuickTake) June 9, 2020
A ton of people are showing up now. For reference, Mu car was one of three parked here when I arrived around 10:30 pic.twitter.com/GpEbblihEt
— Shelby Webb (@shelbywebb) June 9, 2020
A ton of people are showing up now. For reference, Mu car was one of three parked here when I arrived around 10:30 pic.twitter.com/GpEbblihEt
— Shelby Webb (@shelbywebb) June 9, 2020
Eulogizing George Floyd’s in Houston, TX. At the final service https://t.co/qttkyh5848
— Reverend Al Sharpton (@TheRevAl) June 9, 2020

Hadalsame Media