Dayuurad Imaaraadku leeyahay oo markale ka degtey Israel (Arrin cusub oo ay ka damacsan yihiin Falastiiniyiinta)

0

(Tel Aviv) 09 Maajo 2020 – Dayuurad uu Imaaraadku leeyahay ayaa markii 2-aad taariikhda ka degtey dalka Israel, iyada oo la sheegay inay waddo gargaar loogu tala galay Falastiiniyiinta, waloow aan midkii horeba weli laga guddoomin.

Dayuuraddan oo ah nooca uu Maraykanku sameeyo ee Boeing 787-9 oo ay leedahay Etihad Airways ayaa ka degtey gegada Ben Gurion, waana dayuurad xamuul ah oo kasoo duushay caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi.

Si ka duwan safarkii hore ee ay ku timid isla Ben Gurion 20-kii Maajo, taasoo gebi ahaanba ahayd dayuurad aan calaamaysnayn oo rinji cad la mariyey, middani waxay sidataa astaamihii dayuuradda Etihad Airways oo uu ku jiro calanka Imaaraadku.

Etihad Airways plane at Ben Gurion airport / Photo: IAA Spokesperson
Dayuuraddii hore

Dayuuraddii hore ayaa keentay deeq la sheegay in lagula dagaallamayo durayga Covid-19, balse waxaa ka dhaartay nidaamka Falastiin ee magaalada Daanta Galbeed ee Ramallah, sidaa darteed, waxay markan u duween dhanka Marinka Gaza taasoo ka dhigan inay kala qaybinayaan Falastiiniyiinta, balse lama oga in laga aqbali doono.

Kaaga darane agabkan ayaa la sheegay in lagala hadlay Wasaarad Dibadeedka Israel, isla markaana waxaa daabulaya Ciidamada Xoogga Israel ee IDF, kuwaasoo aan laga jeclayn Marinka Gaza.

Falastiiniyiinta oo Imaaraadka ku dhaliila inuu raalli ka noqday inay Israel qaadato Daanta Galbeed oo ay ku jirto magaalada Qudus ayaa waxay horay u sheegeen in Imaaraadku uu u marmarsoonayo qaab uu xiriir ula yeesho Israel, ee aanu iyaga wax wanaag ah u wadin.

Hadalsame Media