“U dul qaadan mayno!” – Jabuuti oo shacabka dibedbaxaya u digtey & qodob oo ay qiil ka dhigatay (Geelle oo soo qabtay rikoodhkii Siyaad Barre)

0
Djibouti's President Ismail Omar Guelleh arrives for a Reuters interview at his home in Ethiopia's capital Addis Ababa, January 30, 2016. China is expected to start work in Djibouti soon on a naval base, Djibouti's president told Reuters, defending Beijing's right to build what will be its first foreign military outpost on one of the world's busiest shipping routes. Picture taken January 30, 2016. REUTERS/Edmund Blair - RTX254UA

(Jabuuti) 05 Juun 2020 – Wasiirka Gudaha Jabbuuti, Muumin Axmed Sheekh, ayaa shacabka uga digey inay gebi ahaanba dibedbaxyo dhigaan, kaddib markii ay shalay halkaa shaqaaqo ka dhacday.

Wasiirka ayaa ku dooday in “si xilka looga tuuro, isla nidaamka looga baahan yahay in rukhsad la waydiisto”, taasoo aan aalaaba ka dhicin ama ka dhici karin dal aan lahayn nidaam furan oo ay dadku leeyihiin xuquuqo madani ah.

“Ma ogolaan karno in la burburiyo hantida dadwaynaha.” ayuu ku gooddiyey Wasiir Muumin oo sheegay in gawaari la kharbudey isla markaana dukaamo la bililiqaystay.

Dadka ayaa ka dhiidhinaya muuqaal ku fiday baraha bulshada oo muujinaya duuliye si insaaniyadda ka baxsan loo bahdiley oo musqul kulul lagu xabbisay.

Jabuuti ayaa waxaa ka arrimiya nidaam kali talis ah oo uu madax ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle oo ah hoggaamiyaha qura ee Soomaali ah ee barbarreeyey Siyaad Barrihii Somalia, isagoo xilka ku dheggan ilaa 1999-kii.

Hadalsame Media