Turkiga oo ka dhex kalluumaysanaya Maraykanka & Shiinaha (Hindise uusan Shiinuhu jeclaan doonin oo uu keenay)

0

(Ankara) 03 Juun 2020 – 15-kii Jannaayo MW Maraykanka ee Donald Trump iyo RW Xigeenka Shiinaha ee Liu He ayaa iyaga oo is dhinac taagan waxay u dhoolla caddaynayeen kaamirooyin raxan warfidiyeen ah oo joogey Aqalka Cad, yeelkeede, bilihii xigey waxaa xaraaraadey xiriirka labada dal oo markii horeba u dilnaa tariifooyin xiriir ahaa oo ay labada dal qaab middi middi ku taag ah u saarayeen badeecooyinka ay kala iibsadaan.

“Waxaannu ka shaqaynaynaa in aannu dhinno ku tiirsanaanta Shiinaha,” ayay tiri Keith Krach, oo Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ugu qaybsan kobaca dhaqaalaha, tamarta iyo degaanka oo la hadashay Reuters.

Todobaadyo kaddib warkaas Krach, Guddoonka Golaha Ganacsiga Maraykanka iyo Turkiga ee TAIK, Mehmet Ali Yalçındağ, ayaa 3 warqadood oo xiriir ahaa u kala qoray Wasiirrada kala ah Wasiirka Tamarta, Dan Brouillette, midka Beeraha, Sonny Perdue iyo kan Ganacsiga, Wilbur Ross.

TAIK oo ah Golaha ganacsi ee ugu qadiimisan uguna ballaaran dhanka xiriirka labadaa dal, isla markaana ay xubno ka yihiin Ford, Apple, Microsoft iyo Turkish Airlines, ayaa sheegay inay u diyaar yihiin inay buuxiyaan booska uu banneeynayo Shiinuhu haddii ay lacalla Washington dalkaa kasoo wareegsato sharikaadka ka deggan ee uga shaqeeya qaabka fidinta howlaha (outsourcing).

MW Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Donald Trump ayaa horay u kala saxiixday heshiis laba dhinacle ah oo ay ku doonayaan inay ganacsiyada ay is dhaafsadaan ay sanadkii gaaraan $100 bilyan oo doollar.

Turkiga ayaa lagu eedeeyey inuu fursaddan karoonaha uga faa’iidaysanayo arrintan, balse Guddoonka TAIK ee Yalçındağ ayaa sheegay inaysan jirin wax qarsoodi ah oo ay sameeyeen, labada dhanna ay u furan yihiin inay kala faa’iidaystaan, iyadoo uu Turkigu noqonayo dal sii wershadoobaya oo leh raasumaal dadwayne.

Lama oga sida uu Shiinuhu u arki doono tillaabada Turkiga.

Hadalsame Media