(Minneapolis, MIN) 03 Juun 2020 – Nin caddaan ah oo reer Illinois ah ayaa wajahaya dacwad heer Federaal ah kaddib markii uu u safray magaalada Minneapolis si uu bambooyin ugu qaybiyo dibedbaxayaasha, kuwaasoo uu doonayey in Booliiska lagu tuuro “si qalalaase loo oogo.”
Matthew Lee Rupert, 28-jir, oo ka yimid magaalada Galesburg, ee gobolka Illinois, ayaa Isniintii la qabtay, waxaana lagu eedeeyey qalalaase bulsho, haysiga qaraxyo aan diiwaan gashanayn iyo abaabulka iyo ka qaybgalka rabshado.
Waa ninkii ugu horreeyey ee dacwad lagu soo oogo tan iyo bilowgii rabshadaha ka dhashay dilkii Minneapolis ee George Floyd, oo uu jilibka ku ceejiyey nin askari ah oo ku dul fadhiyey 8 daqiiqo.
Xiriska Rupert ayaa sidoo kale sii xoojinaysa aragtida ah inay dibedbaxyada ku dhex dhuumanayaan dad wata ajendayaal kale oo caddaan ah.
“Gaariga SWAT-ka ah ee halkaa taagan, ku tuura bambooyinkan, haddii aad kuwa kale doonaysaanna waan idiin hayaa.” ayaa la sheegay inuu ku qalqaalinayey bannaanbaxayaasha, isagoo doonayey inay rabshado iyo bililiqo bilowdaan.

Hadalsame Media