DAAWO: Booliiska magaalo ka tirsan Maraykanka oo ku dhaqaaqay arrin ay SACAB ku kasbadeen

0

(Portland, OR) 01 Juun 2020 – Waloow ay xirnaayeen lebbiska qafilan ee rabshadaha looga hor tago, misna Booliiska Portland ayaa muujiyey jileec iyo jajabnaan aan la filaynin maalmahan rabshaawiga ah ee ka dhashay geeridii George Floyd.

Booliiska ayaa sacab mutaystay kaddib markii ay jilba jabsadeen iyagoo taagan bannaanka Multnomah County Justice Center ee magaalada Portland, ee Gobolka Oregon.

Jilba jabsiga noocan ah ayaa wuxuu yahay hiillo loo muujinayo guud ahaanba dadka madowga ah iyo dhaqdhaqaaqa ”Nolosha Madowgu Micne ayay leedahay”, waxayna dadku kaga jawaabeen sacan iyo qaar ka tirsan dibed baxayaasha oo iyaguna jilba jabsaday.

Booliiska Portland ma aha kuwii ugu horreeyey ee sidan yeela. Axaddii Taliyaha Booliiska Degmada Genesee County ee Gobolka Michigan, ayaa dadwaynaha ugu laab qaboojiyey inay Booliisku safkooda ku jiraan.

“Booliisku waa cambaaraynayaan wixii ka dhacay Minneapolis, Taasi ma aha waxa aan nahay.” Ayuu yiri Chris Swanson.

Hadalsame Media