Siyaasi dood la yaab leh ka dhaliyey arrin ku saabsan sawirka Aadan Cadde oo uu sameeyey MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2020 – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle, oo ka mid ah ragga loo badinayo inay u tartami doonaan Doorashada Madaxtinnimada ayaa qoraal yar ka sameeyay arrin ku saabsan Aadan Cadde iyo sidii hufnayd ee uu xilka u wareejiyey, taasoo ilaa maanta tusaale nool ka ah siyaasadda cakiran ee Soomaalida.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu xafiiskiisa ku dhejiyay sawirka madaxeynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan, si uu u muujiyo in uu ku dayanayo oo ku joogo jidka aasaasihii Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Md Geelle.

Geelle oo doonaya inuu cillado u yeelo ku dayashada MW Farmaajo ayaa daba dhigay su’aalahan. ”Laakiin ka warrama haddii Aadan Cadde uu doorashada dib u dhigi lahaa sanad ama labo, ama uu xilliga kororsan lahaa? Ma jiri lahayd cid tusaale iyo ku dayasho ka dhigata?”

Wuxuu kaddib soo qaatay arrin muujinaysa daacadnimadii iyo toos-socodkii Aadan Cadde oo xilka, doonistiisa iyo hayntiisaba ka taagnaa meel 360 digrii u jirta siyaasi kasta oo Soomaali ah.

”Waxaa lagu xasuustaa Aadan Cadde in uu xil-wareejinta ka soo hormariyay xilligii loo qorsheeyay, si madaxweynahii la doortay -Cabdirashiid- ay ugu suurto gasho in uu ka qeyb galo dabbaaldegyadii maalmaha xorriyadda, halkii uu isagu ka qeyb gali lahaa isagoo sii haye ah.

”Ku macaansiga iyo isku dhejinta awoodda iyo in aad taariikhda ku waarto adigoo ammaanan isma keenayaan mudane madaxweyne, anigoo mar walba xurmo, qaddarin iyo weyneyn u haya qofka fadhiya kursiga dalka ugu sarreeya.” ayuu qoraalka kusoo af-jaray.

Waxaa Qoray: Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

AFEEF: Weli ma hayno xog rasmi ah oo kasoo baxday DF Somalia, taasoo lagu sheegay waqti kororsi la damacsan yahay ama la codsaday.

Hadalsame Media