(Tripoli) 16 Maajo 2020 – Raxan miigag ah oo ay Ruushku sameeyeen ayaa la sheegay inay gaareen bariga Libya si ay ugu gurmadaan Khalifa Xaftar oo uu xaalku ku xun yahay, kaddib markii ay dhowr meelood ka qabsadeen Ciidamada GNA.
Ug yaraan 6 MiG-29 Fulcrum iyo Sukhoi Su-24 Fencer ayaa la sheegay inay gaareen saldhig-cireedka al-Jufrah, sida ay qabteen sawirro uu dayax-gacmeed dhanka sare ka qaaday 19-kii Maajo, waloow la sheegay inaysan wax badan soo kordhin doonin, marka la eego sida ay ciyaartu u jilan tahay.
Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyey wacaalka dayuuradahan min Belarus oo laga soo gaday ilaa bannaanka Libya oo ay ku adeegsan doonaan duuliyeyaal Ruush ah oo calooshood u shaqaystayaal ah.
Daabulidda dayuuradahan oo dhacday markii ay bisha Maajo 14 ahayd, ayaa lagu soo hagaajiyey Astrakhan oo ku taalla woqooyiga Qoowqaasiya, iyadoo lasoo mariyey Hamedan, oo Iiraan ah, kaddib saldhig-cireedka Ruushka ee Hmeimim ee Suuriya, kahor intaan loo duulin dhanka Libya maalmo kaddib.
Maraykanka ayaa sheegay in qaab saan-tirasho ah dayuuradaha lagu buufiyey gudaha Suuriya, si loo qariyo ku lug lahaanshaha Ruushka, balse Tom Cooper, oo ah xeeldheere ciidamada cirka ah aya sheegay in ciidamada cirka Suuriya aysan lahayn awood ay hadda ku iibsadaan dayuuradaha noocan ah, waloow ay haystaan MiG-29-yo misna lama casriyayn.
Akram Kharief, oo ah nin ku xeel dheer arrimaha gaashaandhigga ayaa sheegay in dayuuradahan uu Belarus ka dalbay Imaaraadku, balse aanay labadan dal lahayn awood ay ku daabulaan shixnaddan haddii aanay taageero siyaasadeed iyo mid saanadeed ka helin Ruushka oo adeegsadey isla qaabkii uu dayuuradaha 2015 ku geeyey dalka Suuriya ee qarsoodiga ahaa.
Analysis written in collaboration with @JMJalel_H and Tom Cooper : “#Russian jets in #Libya: Why #Haftar‘s MiGs will ‘change nothing’ on the ground” https://t.co/j4Yal8mXaj
— Arnaud Delalande (@Arn_Del) May 26, 2020
FAL-CELINTA TURKIGA
Turkey ayaa isla markii uu maqlay arrinta dayuuradahan Ruushka ayaa wuxuu dhowr dayuuradood oo xamuul ah oo agab ciidan sida ka diray Istanbul iyagoo ku socda Misrata, kuwaasoo ay ku jiraan Hercules C-130 iyo Airbus A400 iyo sidoo kale C-17 Globemaster III oo la sheegay inay agab kale kasoo duulisay dalka Qadar.

Turkiga ayaa hannaanka daafaca cirka ku xiraya meelo ka tirsan Tripoli, Misrata iyo xitaa Al-Watiya oo ay GNA qabsadeen todobaadkii tegey, isagoo soo badiyey daroonnada Bayraktar TB2 si ay u bedelaan kuwii alsoo ridey.
Yeelkeede, waloow ay dadka qaar sheegayeen inuu Turkigu xitaa halkaa u diri karo dayuuradaha F-16, waa aragti ay aad u adag tahay inay ficil isu rogto, waayo waxay noqonaysaa dagaal cireed toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga, mana aha muuqaal ay jecel yihiin labada dal.
Ujeedka Erdogan waa inuu calooshood u shaqaystayaasha ka waabiyo Dowladda GNA danaha Turkigana ilaaliyo, ee ma doonayo inuu wax dagaal ah oo toos ah la galo dowlad kale.
NEWS: Russia deploys military fighter aircraft to Libya
—–
“For too long, Russia has denied the full extent of its involvement in the ongoing Libyan conflict. Well, there is no denying it now.” – Gen. Townsend
Release: https://t.co/HpLdwUJxcr
Photos: https://t.co/raTal1LKPa pic.twitter.com/dVtsWKPYZ5— US AFRICOM (@USAfricaCommand) May 26, 2020
Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media