”Waxay nagu dheheen guriga jooga isaga oo dhiig qufacaya!” – Sheekh Cabdiraxaan oo la sheegay inuusan xilligii habboonaa helin daryeel caafimaad

0

(Gothenburg) 22 Maajo 2020 – Waxaa maanta magaalada Gothenburg ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxidiin Celi, taasoo ah geeri ruxday quluubta Soomaalida Sweden.

Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Imaam, doodyahan bulsho oo aad u diiddanaa xag-jirnimada, macallin iyo xubin ka tirsanaa ururka Islamic Sunni Center ee xaafadda Bergsjön ayaa ifka uga tegey 6 carruur ah, isagoo 49-jir ah ayuuna geeriyoodey AUN.

Sida ay DN kasoo xigteen xaaskiisa Hiba Ismaaciil, Sheekhu ma qabin wax jirro ah oo hore, cudurka Covid-19 ee uu sababsaday kahor.

”Markii uu cudurku ku dhacay, markiiba aad buu u xanuunsaday. Nasiib xumo, waa inaan iraahdaa ma uusan helin  daryeel caafimaad oo wanaagsan ilaa xilli ay xeero iyo fandhaal kala dheceen,” ayay tiri Hiba Ismaaciil.

”Waxaan marar badan wacayney xarumaha caafimaadka, balse jawaabta aannu helnay waxay ahayd ”guriga jooga”, xitaa isagoo suuxaya oo dhiig qufacaya,” ayay daba dhigtay.

Hiba Ismaaciil ayaa intaa raacisay in kaddib markii uu 16 maalmood guriga ku silcayey, dhoolli ama aambalaas loosoo diray, markii la geeyey Isbitaalka Sahlgrenska-na uu miyir doorsoonaa oo uu kooma ku jirey.

”Dhowr todobaad ayay ku dadaaleen, balse saaka ayuu dhakhtarku noo yeerey, markii aan meesha tagnayna Ilaah ayaa wax go’aamiyey mahaddana isaga ayaa iska leh, balse waa ka xumahay.” ayay tiri xaaskii Sheekha Hiba Ismaaciil.

Sheekha oo degganaa Länsmansgården oo ka tirsan xaafadda Hisingen ayaa waxaa 2 bilood kahor laga diley wiil 16-jir ahaa, kaasoo aan diiwaan dembi oo hore lahayn, howlo sharci darro ahna aan ku shaqa lahayn.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaana qabrigiisa dushiisha wuxuu 20-kii Maarso ka ballan qaaday inaan waxba loo haysan kuwii wiilkiisa diley. “Anigoo taagan halkii ugu adkayd ee uu waalid istaago, waxaan leeyahay qofna looga aargudan maayo magacii wiilkayga oo adduunka waan ku cafiyey.” ayuu yiri Sheekhu.

Nasiib xumo 2 bilood iyo 2 maalmood kaddib waxaa isna geeriyoodey isla Sheekha Ilaahay haw naxariistee.

Bahda Hadalsame Media waxay tacsi u dirayaan ehelada, asxaabta iyo dhamaanba umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Sheekha oo tiir muhim ah u ahaa bulshada.

Allaha u naxariisto. Amiin.

Hadalsame Media