(New York) 22 Maajo 2020 – Ku-xigeenka Ergayga UK u fadhiya QM, Jonathan Allen, oo ka hadlay kulankii gaarka ahaa ee uu Golaha Ammaanku ka yeeshay umuuraha dalka Somalia ayaa soo hadal qaaday Doorashada Somalia ee horraanta 2021-ka.
Wuxuu Ergaygu xusay in aan weli wax horumar ah laga sameeynin qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dib u eegista iyo qabya-tirka Dastuurka Qaran ee Somalia.
Wuxuu ku celiyey warkii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee ku baaqayey inay si dhow u wada shaqeeyaan Hay’aadka Dowladda Dhexe ee Federaalka ah iyo Maamul-goboleedyada oo aanay qaarkood isku il-samayn DF, si taasi u sahasho qabashada Doorasho waqtigeeda meel marta, isagoo dhinacyada ay taladu ka go’do usoo jeediyey inay meel iska dhigaan khilaafyada ma dhalayska ah.
“Iima muuqato inay jirto wax sabab ah oo uu cudurka COVID-19 u hor-istaagi karo inuu dhaco diyaargarowga muhiimka ah ee doorashada. Waa in si deg deg ah loo shaaciyaa go’aammada ku saabsan habka doorashada, qoondada kuraasta, qeexista deegaan-doorashada, qoondada haweenka, arrinta Somaliland iyo maqaamka Muqdisho,” ayuu soo jeediyey diblomaasigan UK oo rajeeyey inay rajaynayaan isbedello dhaca todobaadyada yar ee soo aaddan.
Waloow ay aad uga hadlaan qolyaha mucaaradku misna sida ku cad Dastuurka Qaranka, waxaa doorashada qaranka la mudaynayaa marka ay ka harsan tahay 180-maalmood ama 6 bilood, taasoo ku beegan 27-ka bishan Maajo, sidaa darteed, waloow ku darsi lagu eedaynayo XF, weli lamaba gaarin xilligii ay taasi caddaan lahayd.
Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Marwo Xaliimo Yareey, ayaana sheegtay inay diyaariyeen dhamaanba wixii loo baahnaa oo ay Baarlamanka horgaynayaan 27-ka bishan oo ay 5 maalmood ka harsan tahay, kuna beegan Arbacada.
Hadalsame Media