Facebook oo dalal ay Somalia ka mid tahay ka fulinaya mashruuc wax aad u badan ka bedeli doona xawaaraha Internet-ka (Goorta lasoo afjarayo)

0

(Menlo Park, CA) 19 Maajo 2020 – Facebook ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu dhigayo kaybal dhererkiisu yahay 23,000-mayl oo lagu wareejinayo xeebaha Afrika, si ay internet xawaarihiisu aad u sarreeyo u helaan 1.3 bilyan oo qaaraddan ku nool.

Mashruucan oo la yiraahdo 2Africa, ayaa 3 laabaya mugga iyo awoodda shabakadeed ee qaaradda Afrika, marka la dhamaystiro 2024-ka, iyadoo iminka dhigistiisa durba la wado.

Kaybalkan oo uu dhererkiisu la egyahay midka guud ahaan dhulka, ayaa wuxuu khad internet oo rakhiis ah isla markaana aad u dheereeya siin doonaa 23 dal oo ay ku jiraan Ghana, Ivory Coast, Gabon, Somalia, Madagascar, Saudi Arabia iyo Sudan.

Internet-ka ayaa ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan horumarka iyo howl-maalmeedka caalamka, iyada oo ay dalalka qaar ka dhigeen xuquuq ay insaanku ugu baahan yihiin sida biyaha iyo raashinka, waana mid ay weli ku liidato qaaradda Afrika.

Hadalsame Media