DAAWO: Ciidamada GNA oo Xaftar ka qabsaday magaalo hor leh oo u dhow xadka Tuniisiya (Jiho cusub)

0

(Tiji) 19 Maajo 2020 – Kaddib markii ay Ciidamada GNA ay shalay gacanta ku dhigeen saldhig-cireedka Al-Watiya oo 6 sano gacanta ugu jirey Ciidamada Khaliifa Xaftar, waxay sii amba qaadayaan duullaan ay doonayaan inay ku wada qabsadaan bariga Libya, sida uu xalay sheegay Muhammed Darrat, Agaasimaha Siyaasadda Kaalmaynta Dadwaynaha.

Iminka Ciidanka GNA ayaa gacanta ku dhigay magaalada Tiji oo ku taalla buuraleeyda Nafusa Mountains qorshe ay ku doonayaan inay halkaa kaga sifeeyaan Ciidamada Xaftar.

Magaaladan ayaa 225 KM waxay koonfur galbeed kaga beegan tahay caasimadda Tripoli oo ay dorraad uun duqaynayeen Ciidanka Dagaal oogaha Khaliifa Xaftar, iyadoo u dhow dhanka xadka Tuniisiya.

Waxaa arrintani ka dhigan tahay in Ciidamada GNA ay kuwa Xaftar u cayrsanayaan labada jiho ee galbeed iyo bari intaba.

Hadalsame Media