Halkee ayay Somalia uga jirtaa caalamka dhanka XAWAARAHA Internet-ka (Dalal deris la ah oo ka liita)

0

(Hadalsame) 18 Maajo 2020 – Dalalka Taiwan iyo Singapore ayaa kaalinta 1-aad dunida uga jira dhanka xawaaraha guud ee Internet-ka ee caalamka, halka uu Maraykanku ku jiro kaalinta 15-aad, UK iyadu waa 33-aad.

Halkan ka akhri liiska oo dhamaystiran

Celcelis ahaan awoodda dejineed ee caalamka ayaa kasoo degtey 9MB ilbiriqsigii (9Mbps) oo ay ahayd 2017-kii, ilaa  11Mbps 2019-kii.

Waxaa kaalinta 1-aad ku jirta Taiwan oo celcelis ahaan 85.02 ku dejisa MB/s, taasoo ka dhigan inay qofka 8 ilbiriqsi uun ku qaadanayso inuu degsado FILM dhan oo HD ah.

Dalka Yurub ugu xawaaraha badani waa gayiga UK hoos taga ee gasiiradda Jersey – kaasoo ah 67 MB/s, taasoo 3 jeer ka xawaare badan UK lafteeda.

10-ka dal ee caalamka ugu xawaare badan oo loo qoray sida ay  u kala sarreeyaan waa sidan: Taiwan, Singapore, Jersey, Sweden, Denmark, Japan, Luxembourg, Netherlands, Switzerland, iyo Norway.

Dalka Somalia oo kaalinta 1-aad Afrika uga jira dhanka rakhiisnimada sicirka halka GB, ayaa dunida uga jira kaalimaha ugu hooseeya wuxuu fadhiyaa kaalinta 200-aad waana 0.86, waxaana ka hooseeya dalal ay Itoobiya, Niger, Muritaaniya, Turkeministan iyo Yaman oo ah dalka dunida ugu liita dhanka Internet-ka.

Hadalsame Media