Dayuuradihii helakabtarka ahaa oo si rasmi ah u bilaabay howshii Ayax-buufinta (Daawo)

0

(Garoowe) 17 Maajo 2020 – Waxaa maalin dhowayd magaalada Muqdisho soo gaarey laba dayuuradood oo nooca qumaatiga u kaca ah, kuwaasoo ay Dowladda Canada ku wareejisey Wasaaradda Beeraha DF Somalia.

Dayuuradahan oo ay sidoo kale gacan ka gaysanayso hay’adda Quudka iyo Beeraha QM ee FAO ayaa markiiba la sheegay inay buufin ka samaynayaan Galmudug, Puntland iyo Somaliland oo iyadu diiddey.

Waxaa isla maalintii 2-aadba laga dejiyey Garoonka Dayuuradaha Puntland iyagoo halkaa ka samaynaya howlihii ugu horreeyey ee Ayax-buufinta.

Isla Hay’adda FAO ayaa iminka soo bandhigtay muuqaal muujinaya dayuuradahan oo bilaabay howshaasi, waloow aysan carrabaabin goobta ay howshaa ka qabteen.

Waa markii ugu horreeysey ee ay Somalia maxalli ahaan u buufiso cayayaanka ayaxa, iyadoo ay dayuuraddu dhex jibaaxday raxan ayax ah oo aguugan dusha dhul tigaadleey ah.

Hadalsame Media