Kenya oo qiratay khasaaraha kasoo gaarey Qaadka la joojiyey & lacagta ay maalintii Muqdisho oo qura ka hesho (Dhib kale ayaase jira)

0
Khat traders package shoots for transportation at an open air market in Maua, in Meru county on September 9, 2016 in Kenya's central province. Farmer of the mild-stimulant have expressed fear for a likely loss of livelyhood following Somalia's recent import ban on the herbal stimulant from Kenya, amounting on average to more than 15 cargo flights carrying 12,000 bags of khat arriving daily in the Somali capital, Mogadishu, from Kenya, equating to a total retail value of $400,000 (£298,000) per day. Earlier this week, Somalia banned Kenyan flights carrying khat also known as 'miraa', a leafy stimulant popular in Somalia but grown in neighbouring Kenya and Ethiopia. / AFP / TONY KARUMBA (Photo credit should read TONY KARUMBA/AFP via Getty Images)

(Muqdisho) 16 Maajo 2020 – Waxaa si rasmi ah loo joojiyey jaadkii iman jirey Somalia cudurka Covid-19 dartii, balse waxaa arrintaa ka dhalatay saamayn dhowr dhinac ah, sida ay qoreen weriyeyaasha BBC ee Mary Harper iyo Bella Hassan.

Guddoonka Iskaashtada Jaadka Nyambene ee Miraa Traders’ Association, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay inay halkii maalin ay Muqdisho oo qura u iibgayn jireen jaad ku kacaya $250,000 oo doollar (£200,000) ilaa $400,000 (£298,000), taasoo ah nus milyan doollar ku dhowaad maalin kasta.

Waxaa ku nool nus-milyan Kenyan ah oo Jaadka gura ama uu u boxo, ama rara oo daabula, kuwaasoo uu jug dhaqaale u gaystey hakintiisu.

ARRIN KA DHALATAY JOOJINTA JAADKA

Waloow ay ganacsato badani shaqo la’aan ku noqdeen Somalia, waxaa jira kuwa kale oo ka lacagaystay Jaad ay qaab tahriibis ah ku geliyaan Somalia, iyagoo helay god dahab ah oo u gaar ah (goldmine).

“Cudurka Covid-19, waxaannu heli jirney Jaad cusub oo Kenya laga keeno,” ayay tiri haweenay Jaad ku iibisa Muqdisho.

“Haatan se waxaa nasoo gaara mid si sharci darro ah loosoo marsiiyo Dekedda Kismaayo, kaasoo maadaama uu xadisan yahay sicirkiisa cirka lagu shareero. Waxaan kiiladii Jaad ah ku iibin jirey $20 ilaa $25. Hadda waxaan siiyaa $120 doollar. Hakinta Jaadku aad bay iigu fiicnayd.” ayay ku faantay.

“Waxaan noqday sidii kalluun biyo laga saaray. Maadaama aanan Jaadka iibsan karin qiimaha kordhay dartii, si deggan ayaan u waalanayaa iminka,” ayuu Maxamed Cabdi oo ka mid muqayiliinta Muqdisho.

“Anigu Jaadka waa iska joojiyey sicirka sare dartiii,” ayuu yiri muqayil Xasan Cabdiweli.

“Laakiin qaar ka mid ah saaxiibbadeey ayaa bilaabay inay walxo kale, sida daroogo iyo calaq, isticmaalaan. Qaar kale waxay bilaabeen inay dadka dhacaan si ay Jaadka qaaliga ah u iibsadaan. Waa xaaladdii ugu xumayd muqayiliinta.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa muujinaysa inay ka darto mooyee aanay wax badan oo micne leh soo kordhinin Jaadka la hakiyey oo weli gobollada Woqooyi iyo kuwa Dhexe Itoobiya kasoo gala, kuwa koonfureedka Kenya.

Hadalsame Media