DAAWO: Qadar oo Muqdisho & Hargaysa ka dejisey gargaar dawo ah oo lagula tacaalayo Covid-19 + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2020 – Hay’adda Qatar Development Fund (QFFD), oo kaashanaysa Ciidanka Cirka dalkaasi ee Amiri Air Force ayaa sidoo kale shixnad kale gaarsiisey magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Amiirka Qadar ayaa xusay inay kaalmadan ugu tala galeen dalka ay walaalaha Yihiin ee Somalia oo uu sheegay inay ”hiillo u muujinayaan xilligan adag.”

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale Hargaysa ka dejisey dayuurad sidda gargaar aadminnimo oo dhanka caafimaadka ah, kuwaasoo iskugu jira maasgarayaal, gacmo gashi iyo dharka ay xirtaan shaqaalaha caafimaadku.

Somaliland ayaa laga soo werinayaa laba kiis oo kale oo u dhintay caabuq sidaha Covid19 iyo 19 kiis oo cusub, taasoo kiisaska guud ee halkaa ka dhigaysa 87 kiis.

Hadalsame Media