LA YAAB: ”Wadnihiisii ayuu karsaday oo cunay!” – Dood ka taagan nin DAD QAL AH oo lagu sii daayo jidadka Jarmanka + Sawirradiisa

0

(Frankfurt) 12 Maajo 2020 – Nin dad cun ah oo Jarmal ah oo lagu sheegay nin dusha sare ka ah ‘mid fiican oo asluub badan’ isla markaana qalay oo cunay nin ay khadka iska barteen ayaa loo ogolaaday inuu bannaanka usoo boxo.

Ninkan oo lagu magacaabo Armin Meiwes, oo 58-jir ah, ayaa inta koofiyad iyo ookiyaalo dugul ah oo uu isku qarinayo gashado ayuu wuxuu u dhaqaaqayaa gobol kale oo Jarmanka ah.

Waxaana deeto raaca oo gaariga ku wada laba sarkaal oo la daba dhigay amaanka dartii, maadaama weli laga shakisan yahay, sida ay booliisku u sheegeen BILD.

Ninkan dad cunka ah ayaa Maarso 2001 wuxuu wadnaha toorreey kala dhacay Bernd Brandes, 43-jir, kaddibna isla wadnihii ayuu shiishay isagoo ku daray cusbo, basbaas, tuun iyo geedo kale kahor intaanu ku cashaynin, sida uu ninku qirtay.

YAA DOONAYA IN LA DILO OO DEETO LA CUNO?

Labada nin ayaa khadka isku bartay kaddib markii uu Meiwes soo geliyey iidheh u dhigan inuu doonayo qof diyaar u ah in ”la dilo kaddibna la cuno”, isagoo webkiisa The Cannibal Cafe soo dhigay, kuna sii qoray afeef ah in ay dadku kala saaraan ”dhab iyo dheel”, si aan Dowladdu uga shakin.

Laba qof oo ninkan ka horreeysey ayuu midka koowaad iska diidey, halka uu midka 2-aad doonayey in inta masaamiir meel lagula dhejiyo kaddibna garaacis nafta looga qaado, taasoo uu Meiwes u arkay ‘mid yara waalli ah.’