
(Riyaad) 08 Maajo 2020 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu Sucuudiga ka qaadayo 4 batari oo ah hannaanka gantaalaha difaaca cirka ee Patriot iyo ciidamo kale, xilli aysan meesha ka bixin xiisadda Iiraan, sida ku qoran Wall Street Journal.
Qalabkan ayaa waxaa Sucuudiga loo diray bishii Sebtembar kaddib markii daroonno lagu duqeeyey wershadaha saliidda sifeeya ee Abqaiq iyo Khurais.
Weerarkaa oo jug culus u gaystey Aramco ayaa sababay in wax soo saarka saliidda qeeriin ee Sucuudigu uu hoos u dhoco 5.7 milyan oo fuusto maalintii, taasoo 6% ka ah wax soo saarka guud ee caalamka.
Xuutiyiinta ayaa weerarkaa sheegtay, balse Sucuudiga iyo Maraykanku waxay dusha ka saareen dalka Iiraan, oo iyaduna beenisey.
Bixitaankan ayaa sida uu Journal sheegayo waxaa lagu dhisaalay aragtida ah in Iiraan aanay hadda “halis deg deg ah ku haynin danaha istaraatijiga ah ee Maraykanka”.
Washington ayaa horay halkaa uga qaadday laba raxamood oo ciidamada cirka ah, gaar ahaan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya.
Hadalsame Media