Maraykanka oo dayuurad u qalqaaliyey Soomaalida Maraykanka ku nool ee Muqdisho ku go’doonsan (Si deggan u akhri shuruudaha oo 2 qaybood ah)

0

(Muqdisho) 08 Maajo 2020 – Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Ethiopian Airlines (ET) ayaa ka wada shaqaynaya in la agaasimo dayuurad isku xireeysa Muqdisho (MGQ) ilaa garoonka Dulles, Virginia (IAD), taasoo baxaysa maalin Khamiis ah 14-ka bishan Maajo.

Tigidhada ayuu qofku qaab ”kii hor maroow qaado ah” iskii uga goosan karaa webka shirkadda ee online-ka ah, iyadoo lagu sii hakanayo Addis Ababa.

Waxaa la iska doonayaa laba tillaabo:

Tan 1-aad: Rakaabka oo dhami waa inay jartaan tikitka Addis Ababa iyaga oo gurjinaya mareegtan hoose.

Guji halkan si aad u jarato tigidhka.

  • Rakaabka oo dhami waa inay akhriyaan tibxaha iyo shuruudaha kahor inta aanay tigidh goosan.
  • Rakaabka u safri kara Maraykanku waa kuwa haysta dhalashada ama iqaamadda deganaanshaha dalkaasi (Green Card) ama uu yahay qof xubin ka ah qoys halkaa ku nool, isla markaana uu haystaa dokumenti lagu geli karo Maraykanka.
  • Rakaabku waa inay doortaan dookha tikid sii socod ah.
  • Waxaa tigidhka lagu iibsan karaa credit card oo qura, waloow qaabab kale sida MPESA lagu soo dari karo.
  • Menu-ga ka dooro Economy Class oo qura.
  • Meesha tirada rakaabka ka dooro qaybta dadka waawayn (adults), xitaa haddii aad carruur wadato.

Tan 2-aad: Gaar u jaro tigidhka duullimaadka tegaya Dulles, VA, adigoo ka jaranaya isla webka Ethiopian airlines: Guji halkan

  •  Dadku inta aanay Muqdisho ka duulin waa inay xaqiijiyaan inuu u saxan yahay duullimaadka 2-aad.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa muwaadiniinta Maraykanka u sheegaysa inay dhaqse u jartaan tigidhada, iyada oo xusuusinaysa inaan la hubin in duullimaad kale la heli doono mustaqbalka.

Hadalsame Media