YAAB: Elon Musk oo wiil u dhashay u bixiyey X Æ A-12 Musk (Dastuurka California oo ay durba qoorta iskugu jiraan)

0

Lamaanaha Elon Musk iyo Grimes ayaa taageerayaashooda u sheegay in wiilkooda iminka dhashay loo bixiyey magaca X Æ A-12 Musk, balse waxaa soo baxaya war sheegaya inuu magacaa sillooni ka hor iman doono Dastuur goboleedka California.

Sida ku qoran Dastuur goboleedka, waxaa qofka loo ogol yahay inuu adeegsado 26-ka xaraf ee alifbeetada Ingiriisiga.

Musk ayaa degaanno badan ku leh gobolka California, kuwaasoo ay ku jiraan Bel Air, Los Angeles iyo San Francisco Bay Area, sida ka muuqata diiwaannada canshuurta.

Maareeyaha Guud ee Tesla iyo SpaceX CEO, Mr Musk ayaa dhalashada wiilkiisa uga dhawaaqay barta Twitter-ka.

Hadalsame Media