Ingiriiska oo wajahaya dhaqaale xumo aan soo marin 300 oo sano (Bankiga Ingiriiska oo digniin soo saaray)

0

(London) 07 Maajo 2020 – Bankiga Dhexe ee Ingiriiska (Bank of England) ayaa ka digey in xasaradda coronavirus uu sababi doono in dhaqaalaha dalkaasi uu hoos u dhaco 14%, taasoo sababi karta dhaqaale xumadii ugu darrayd tan iyo South Sea Bubble sanaddii 1720-kii.

GDP-da UK ayaa hooban doonta 14% sanadkan, sida ku cad qiyaasta Bank of England oo sheegay in dhib adag soo wajahan yahay, kahor inta aanu bilaabin soo kabashada.

Shaqa la’aanta ayaa la sheegay inay gaari doonto 9% kahor inta aanay bilaabin inay caadiyoowdo.

Hoos u dhaca GDP-da oo gaarta 14% waxaa dalkaasi ugu dambeeysey muddo 3 qarni ah ama 300 oo sano ka badan.

Hadalsame Media