Turkiga oo hub casri ah oo fogaanta laga hago ka iibinaysa dal Muslim ah + Sawirro

0

(Ankara) 06 Maajo 2020 – Sharikadda tiknolojiyadda ciidamada ee ASELSAN ayaa hubka meelaha fog laga hago (remote-controlled) ka iibinaysa Ciidamada Badda dalka Bahrain, sida ay sheegtay ASELSAN lafteedu.

ASELSAN oo sanadkii tegey ee 2019 rikoodhka jebisey dhanka hubka ay farsamayso ee ay dibedda u dhoofiso, ayaa sheegtay inay doonayso inay xoojiso saamaynta ay ku leedahay suuqa dalalka iskaashiga Khaliijka ee GCC, gaar ahaan Bahrain.

Hubkan remote-ka lagu hago ee ay soo saarto ASELSAN (RCWS) ayaa waxaa haatan adeegsada ciidamada ilaa 20 dal oo caalamka ah.

Faahfaahin xareedaysan oo intaa dhaafsiisan lagama bixinin nooca gaarka ah ee haatan laga iibinayo dalka Bahrain.

Hadalsame Media