DHEGEYSO: DF Somalia oo markale ka hadashay shilkii Berdaale (Xog dheeraad ah ma bixisay?)

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2020 – Waxaa shalay magaalada Berdaale gaarey Wasiirro ka tirsan DF Somalia iyo Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay weheliyaan safiirrada Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay booqday goobta ay ku dhacday diyaaraddii shirkadda African Express.

Diyaaraddaas oo dhacday Isniintii ayaa waxaa dhintay lix qof oo saarnaa oo isugu jiray Soomaali iyo Kenyan.

DF Somalia ayaa sheegtay inay weli socoto baaris ay arrintan ku samaynayso, balse aanay iminka bixin karin wax xog ah oo khuseeynaysa sida ay wax u dheceen.

Haddaba, wafdiga waxa hoggaaminayey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Khadkan telefoonka ayuu ugu waramay Haaruun Macruuf waxa ay kusoo arkeen goobtaasi?

Hadalsame Media