XORRIYADDA SAXAADADDA: Hal arrin oo ay muhim tahay in la isla fahmo

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2020 – Xoriyadda iyo helida xogta – Aniga oo la qaba Suxafiyiinta Soomaaliyeed inay jiraan culeeysyo badan oo lagu haayo Warbaahinta & Suxufiyiinta, ayaa hadana waxaan Su’aal ka qabaa xoriyadda iyo helida xogta oo hadda laga cabanayo

1. Suxufiyiinta Xornimo shaqo & Madax banaani xirfadeed maku haystaan xarumaha ay ka shaqeeyaan,? Haddii ay maya tahay, Wariye Shaqadiisa iyo dabaqida xirfadiisa aanan xor u ahayn maxay kala maqantahay xoriyda saxaafadda ee ka jirta dhinaca dowladdda.?

2. Haddii Madaxwaynaha & R/wasaaraha aysan warbaahinta siinin waraysi ama aysan uga jawaabin su’aallo, maxay tahay baahida aan u qabi karno anagoo falanqayn (Analysis) samayn karna, Su’aallaha ku haboona waydiin kara Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta, doodna ka abuuri kara maxay Madaxdu Su’aallaha u diidaan.? Haddiiba ay diideen.

Xilligaan casriga ah Wararka (News) run iyo beenba waxaa qaatay barasha Bulshada (Social Media) oo laga ogaadaa. Warbaahinta kalana waxaa u soo haray falaynqayn & baaris (Analysis and Investigation)

Warbaahinta Somalida wali waxaa moodaa inay ku mashquulsantahay Warar dhacdo maalmeedka ah, xaalkuna wuxuu yahay war la qabo xiiso maleh.

Ramadaan Kariim

Waxa Qoray: Mohamed Kafi Sheikh Abukar

Hadalsame Media