Jilaa Muslim ahaa oo muhim u ahaa Bollywood oo faja’ u dhintay + Sawirro

0
Bollywood Indian Cinema Film Banner. Indian Cinema bollywood Logo Sign Design Glowing Element.

(Mumbai) 29 Abriil 2020 – Jilaaga caanka ah ee Irrfan Khan, oo ka mid ahaa ruug caddaaga Bollywood isla markaana ahaa ragga ay Bollywood caalamiyan u iibiyaan isagoo wax ka jiley aflaanta Hollywood, ayaa dhintay isagoo 53-jir ah.

 

Khan ayaa isagoo isbatoore booliis ah ku jilaya film-ka caan baxay ee “Slumdog Millionaire” sidoo kalena wuxuu ku jiraa film-ka mala awaalka ah ee “Jurassic World.” Wuxuu sidoo kale kasoo muuqday “The Amazing Spider-Man” iyo film-ka tacabburka ah ee “Life of Pi.”

Allaha u naxariistee, Khan oo Muslim ahaa ayaa dhintay kaddib markii Arbacadii Isbitaalka Mumbai ee Kokilaben Dhirubhai Ambani loola cararay, isagoo uu caabuq uga dhacay dhanka mindhicirrada.

Khan oo ku af billowday film-kii najaxey ee daraamaha ahaa ee “Salaam Bombay!,” oo la sameeyay 1988-kii oo ka hadlayey carruur derbi jiifka ah ee Mumbai’, ayaa 2018-kii laga helay kansarka naadirka ah ee neuroendocrine cancer kaasoo inta badan ku dhaca mindhicirrada, waxaana bilo dawayn maaratoon ah lagu soo siiyey UK.

Hadalsame Media