”Imaaraadku wuxuu ahaa xubayro ay Soomaalidu xoolo ku sadaqaysato!” – Saxaafadda Turkiga oo xifaalo bilowday!

0

(Addis Ababa) 29 Abriil 2020 – Weriye Turkish ah oo la yiraahdo Umut Çağrı Sarı kaasoo saldhigta magaalada Addis Ababa isla markaana wax ka qora qaaradda Afrika ayaa bilaabay dood ku saabsan sida ay Somalia mar u caawin jirtey Imaaraadka oo faqri ahaa.

Wuxuu boggiisa Twitter kusoo qoray sheeko ku saabsan farqiga u dhexeeyey labada dal xilli ay Somalia barwaaqo ahayd, halka ay Imaaraadku ku noolaayeen faqri taxti ah.

”Sanaddkii 1970-meeyadii Imaaraadka waxaa ka dhacday xasarad aadminnimo, dadka Somalia iyo Jabuuti ayaana sadaqo siin jirey dadka Imaaraadka.” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wuu sii wadey oo wuxuu Umut Çağrı Sarı soo bandhigay laba sawir oo uu sheegay inay tilmaamayaan caasimadaha Somalia iyo Imaaraadka ee 1970-kii ilaa 80-kii, kaasoo uu ka muuqdo farqi wayn oo dhanka dhismaha ihi.

Si kastaba, Soomaalida ayay tahay inay kaliya nafteeda ku eedayso waxa ka xumaaday qarannimadeeda ay iyadu dubatey, welibana ay lug jiidayso soo kabashadeeda.

Hadalsame Media