Turkiga oo Sweden ka sameeyey arrin ILLIN farxadeed ka keentay dadka Turkiga ah (Sweden oo ku ceebaysan)

0

(Ankara) 26 Abriil 2020 – Turkiga ayaa dayuurad ambalaas ah u diray muwaadiniintiisa ku sugan Sweden ee dawada loo diidey kaddib markii laga helay coronavirus, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Fahrettin Koca ayaa amray in dayuurad aambalaas ah loo diro Emrullah Gülüşken, oo 47-jir ah, iyo afartiisa carruurta ah oo la geeynayo Turkiga, isagoo ku nool Malmö.

“Qaali Leyla, waan maqalnay codkaaga. Dayuurad aambalaas ah ayaa soo duulaysa 6 a.m. waxaana imaanaynaa Sweden,” ayuu Koca ku yiri farriin Twitter, isagoo sheegay in dhakhaatiirta iyo Isbitaallada Turkigu ay dawayn doonaan aabbeheed.

Gabar kale oo uu dhalay Gülüşken oo Samira la yiraahdo ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaal ay uga hadlayso xaaladda aabbeheed iyadoo kaalmo dalbatay.

Waxay sheegtay in kaddib markii ay aabbeheed neeftu ku dhegtey, ay isbitaalka wacday balse aan dhaqse loogu soo jawaabin, balse mar dambe dhakhtar loosoo diray.

“Kaddib markii uu dhakhtarku yimid oo uu aabahay baaray waxaa loogu yeerey aambalaas, iyadoo markii isbitaalka la geeyey Covid-19 laga helay, balse guriga ayay kusoo celiyeen After a doctor came home and checked my father,” ayay u sheegtay wakaaladda Anadolu Agency.

Hadalsame Media