(Muqdisho) 25 Abriil 2020 – RW Somalia, Md Xasan Cali Khayrre iyo Amiirka dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood.
”Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax Amiirka wadanka Kuwait ayaa intii uu wadahadalkooda socday waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal, gaar ahaan dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.” ayuu u qornaa war kusoo baxay warfaafinta DF.
”Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.” ayaa la daba dhigay.
Si kastaba, Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee ay Somalia sheegato inuu ”xiriir dhinac walba ihi kala dhexeeyo.”
Yeelkeede, sida dalalka kale ee Khaliijka ahba, marka laga reebo marar dhif ah oo ay wax yar ah oo deeq ah oo aan buurnayn soo tuuraan, ma jiro xiriir buuxa iyo iska warqab ka dhexeeya Kuwayt iyo Somalia.
Dad badan oo ku xeel dheer xiriirka caalamiga ah ayaa qaba in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo dalal badan oo Carbeed oo aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn, lana kala qorto tibxo iyo qandaraasyo cusub oo la fuliyo.
Hadalsame Media