DAAWO: Miigag uu Ruushku leeyahay oo cayrsadey F-16 ay Beligium leedahay

0
An F-16A Fighting Falcon aircraft from the 186th Fighter Interceptor Squadron, Montana Air National Guard, escorts a Soviet Su-27 Flanker aircraft to the Canadian border after an air show.

(Moscow) 25 Abriil 2020 – Laba miig oo ah nooca Ruushka ee Su-27 ayaa si deg deg loo diray si ay hawada uga saaraan dayuurad F-16 ah oo ay leeyihiin dalka Belgium oo usoo dhowaatey xadka Ruushanka.

Shilkan oo Jimcihii shalay ahaa dhacay ayaa iminka soo shaac baxay, waxaana muuqaalka laga arkaya dayuuradda Belgian-ka ee F-16, oo la sheegay inay xadka uga soo dhowaatey dhanka bad yarada Baltic Sea.

Labadan dayuuradood ee Su-27 oo aaggaa ku marayey tababar maalinle ah ayaa markiiba loo diray inay bar gartaan lana xaalaan dayuuraddan qalaad.

Muuqaal laga duubay shirka mid ka mid ah labada miig ee Ruushka ayaa muujinaya dayuuradda Belgium-ka oo dhaqso gees u weecanaysa kaddib markii la hareereeyey.

Halkan hoose ka daawo…

 

Hadalsame Media