(Guam) 23 Abriil 2020 – Ku dhowaad dhamaanba dadka ka shaqeeya markabka dayuurad xambaarka ah ee USS Roosevelt ayaa waxaa dhulka dhigay caabuq sidaha coronavirus.
Markabkan ayaa waxaa cudurka laga helay 710 ka tirsan badmaaxyada markabka la socda, sida kasoo baxday Ciidamada Badda ee U.S. Navy.
”Iminka, 94% ka mid ah USS Theodore Roosevelt shaqaalaha Markabka waa laga baaray Covid-19, iyadoo 710 ka mid ah laga helay cudurka, halka 3,872 laga waayey,” sida ay sheegeen Ciidamada Baddu.
9 ka mid ah 710 kiis waxaa hadda lagu dawaynayaa Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Badda oo ku yaalla geyiga Maraykanka hoos taga ee Guam, 42 ayaa soo kabatay, hal badmaaxna waa dhintay.
Arrintan markabkan oo ka mid ah 10-ka markab ee Nimitz-Class loo yaqaan ee uu Maraykanku ku faano ee nukliyeerka xambaarsan kuna shaqeeya, ayaa soo shaac baxday kaddib markii la dusiyey warqad canaan ahayd oo uu Bentagon u qoray kabtankii hore ee Brett Crozier.
FG: Farqi ayaa u dhexeeya dadka markabka ka shaqeeya (crew) iyo kuwa badmaaxyada ah ee u saaran askar ahaanta.

Hadalsame Media