(Ankara) 21 Abriil 2020 – Turkiga ayaa soo bandhigay ilaa 100 mashiin oo ah nooca neef-siiyaha ah oo ay iyagu farsameeyeen.
Mustafa Varank ayaa sheegay in 100 injineer oo ka kala socda shirkadaha tiknolojiyadda ee Baykar, Aselsan iyo TAI ayaa ka shaqaynayey soo saarista agabkan oo weliba waafaqsan halbeegga caalamiga ah.
Dhowr sharikadood oo dhanka caafimaadka ka shaqeeya ayaa diiradda saarayey sidii loosoo saari lahaa agabkan oo xilligan muhim u ah Turkiga iyo caalamka intaba, maadaama dagaal lagula jiro coronavirus.
BIOSYS, ayaa bil kahor soo saartay sambalkii 1-aad kaddib cilmi baaris 5-sanadood qaadatay.
Haatan waxaa durba bilaabatay soo saarista mashiinkan oo lagu sameeynayo Arcelik, oo ah wershad ku taalla Turkiga.
Hadalsame Media