”Karoonuhu waa xeel siyaasadeed” – Nin Covid-19 kaftan moodey oo uu kaw ka siiyey (Sheeko waano u noqonaysa dad badan)

0

(Ohio) 21 Abriil 2020 – Nin 60-jir ku dhaqan gobolka Ohio oo diidanaa handaraabka coronavirus oo uu xitaa ku tilmaamay ‘dheel siyaasadeed’ ayaa u dhintay cudurka Covid-19.

Ninkan oo Twitter-ka ku sheegay in aan barasaabka Gobolku xaq u lahayn inuu xiro ganacsiyada ayay saxaafaddu maanta aad u hadal haysaa.

John W. McDaniel oo ku nool Marion County, ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii Maarso, wuxuu haatan ku dhintay Isbitaalka Riverside Methodist Hospital ee magaalada Columbus.

Kahor intaanu cudurku haleelin, wuxuu McDaniel soo qoray war uu ku maagayey barasaabka Mike DeWine oo soo rogey amar ah in guryaha la joogo.

‘Haddii waxa aan maqlayaa at run yihiin, oo DeWine amray in la xiro makhaayadaha iyo baararka, waxaan leeyahay bull****!,’ ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Maarso 15.

Farriin kale oo uu Facebook soo dhigay ayuu kaga daray: ‘Ma jiraa qof ku dhaca inuu sheego in Covid-19 uu yahay xeelad siyaasadeed?

‘Halleey saxo.’ Hadda waxaa saxay cudurkii uu yaraysanayey oo dib uma khaldami doono.

Hadalsame Media