Baro ninka qura ee ilaa iminka ka ”FAA’IIDEY” caabuq sidaha Covid-19 (Ma malayn kartid inta uu helay)

0

(New York) 18 Abriil 2020 – Ninka asaasay isla markaana maamula hay’adda daabul danabeedka ku shaqaysata ee Amazon ayaa helay $24bilyan oo doollar (£19bn), kaddib markii ay sare u kacday baahida loo qabo adeegga Amazon xilligan ay dunidu handaraaban tahay.

Jeff Bezos oo iminka haysta adduun dhan $138bilyan oo doollar, sida ku dhigan Bloomberg Billionaires Index, ayaa ceshadey booskiisa ninka dunida ugu taajirsan.

Amazon ayaa ka faa’iidey sare kaca baahida dukaamaysiga internet-ka xilligan uu caalamkii cagaha qabtay caabuq sidaha Covid-19, iyagoo qortay kumannaan shaqaale ah oo cusub.

Talaadadii waxay saamiyada shirkaddani sare u keceen 5.3%. Jeer ay suuqyadu dansan yihiin.

Yeelkeede, Mr Bezos oo saami dhan 11% ku leh Amazon ayaa lagu dhaliilay gacan adayg, iyo in aanu hab-raac caafimaad oo wax ku ool ah u samaynin shaqaalaha u shaqeeya xilligan uu jiro cudur laayaan ah.