Ma ogtahay in KARAANTIILKA ay hindiseen Muslimiintu? (Akhri taariikhda erayga iyo caalimkii keenay)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2020 – Ma ogtahay in caalimkii caafimaadka ee Muslimka ahaa ee Faarisiga ahaa ee Ibn Sina (980-1037) uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee tuhma in cudurrada qaar ay faafiyaan ili-ma-aragtigu?

Si uu taa u hor istaago, wuxuu la yimid aragti ah in qofka meel lagu go’doomiyo muddo 40 maalmood ah, isagoo u bixiyey afartanleey ama al-Arba’iniya.

Ganacsato ka timid magaalada Venezia ee Talyaaniga oo xilligaa boqortooyo ahayd ayaa aragtidaa Talyaaniga geysey, waxayna u bixiyeen “quarantena” oo afkooda ku ah afartanleey.

Taasi waa sida uu ku baxay erayga caanka ah ee isagoo lasii qalloociyey af Soomaaliga hadda ku ah karaantiil ama karaantiin.

Allaah wuxuu Qur’aanka ku leeyahay: “Qofkii hal qof oo insaan ah badbaadiya, wuxuu la mid yahay, isagoo dadka oo idil badbaadiyey” (5:32).

Marka xitaa maanta, aragtidii Ibn Sina, waxay sabab u noqotaa badbaadada malaayiin nafood, waa dhaxal baraka leh.

FG: Magaciisa oo buuxa waa Abu Ali Al-Hussein Ibn Abdullah Ibn Sina. Dhanka Galbeedka waxaa af Laatiinka lagu yiraahdaa: Avicenna.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media