(Washington, DC) 07 Abriil 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa soo jeediyey in dawo tijaabo ah lagu dabiibo RW Britain ee Boris Johnson oo habeenkii 2-aad oo xiriir ah jiifa qaybta Daryeelka Gaarka ah ee Isbitaalka Saint Thomas’ ee London.
Haddaba, aannu eegno dawada uu sheegayo Donald Trump oo xukuma Maraykanka ah oo dalka haatan kaalinta 1-aad uga jira kiisaska ugu badan ee koroonaha caalamka oo dhan.
Hydroxychloroquine

Dawadan mallaariyada ee chloroquine waa midda ugu roon ee haatan lagula tacaalo coronavirus, sida ay sheegeen dhakhaatiir caalami ah oo codad laga qaaday.
Hydroxychloroquine, oo ah midda sawirka ka muuqata waa qayb ka tirsan oo Maraykanka laga qoro iyadoo wadata magac shirkadeedka Plaquenil.
DALAL TIJAABIYEY – Waxaa dawadan 24 bukaan ah ku tijaabisey camaaliqada dawooyinka sameeysa ee Sanofi, taasoo ay dowladda Faransiisku ku tilmaamay ”mid rajo leh.”
Saraakiisha caafimaadka ee Faransiiska ayaa haatan qorsheeynaya inay dawadan dad badan ku tijaabiyaan, waxaana sidoo kale isticmaala hay’adda Adeegyada Caafimaad ee UK ee NHS.
Daraasadda Faransiiska ayaa muujisay in 3 meelood ka mid ah 4 meel oo dawadan lagu tijaabiyey ay cudurka kaga raysteen muddo 6 beri gudohood ah.
SAAMAYNTA AY REEBTO – Nabro yar yar oo jirka kasoo yaaca, lalabbo, shuban iyo madax xanuun.
Hadalsame Media