CULAYSKA CAABUQA: Ethiopian Airlines oo cayrisey shaqaalihii ugu badnaa + Sawirro

0

(Addis Ababa) 07 Abriil 2020 – Dayuuradda rakaabka qaadda ee Afrika ugu wayn,  Ethiopian Airlines, ayaa bilowday inay shaqada ka joojiso shaqaalihii ugu badnaa xasaradda dhaqaale ee caabuqa coronavirus darteed.

“Shirkadda EA iyadu ma dooranin fasiqitaanka qandaraaska hadda, taa biddaalkeeda waxaad qaadanaysaan rukhso KMG ah oo aan mushaar lahayn, muddo cayiman, min Abriil 03, 2020 ilaa Luulyo 2, 2020,” ayay u dhignayd warqad kasoo baxday EA.

“Inteenna badan waxaa nalaku khasbay in aan ogolaanno saxiixa rukhso 3 bilood ah oo bilaa mushahar ah, annagoo aan fursad nala siin. Haddii aan diidno waxaa nalookugu hanjabey shaqo la’aan marka ay xasaraddu dhamaato,” ayay ku calaacashay gabar soorto ah oo iyadoo magaceeda qarinaysa la hadashay Quartz Africa.

Iskaashato shaqaale oo metesha inta badan 8,000 oo shaqaale ah oo u shaqeeya EA, ayaa aad u cambaaraysay go’aankan shaqadii looga joojiyey kumannaan shaqaale ah, taasoo soconeysa ugu yaraan 3 bilood iyo xitaa ka badan.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay joojisey duullimaadyada 30 dal iyo 87 magaalo, iyadoo sidoo kale fariisisey wax ku dhow 100 dayuuradood.

Hadalsame Media